Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay dalka Uganda

Date:

Muqdisho, 22 Oktoobar, 2017: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa safar shaqo oo qaadanaya muddo hal maalin ah ugu amba baxay dalka Uganda, si uu dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni ugala hadlo in ay taageero ka gaystaan dagaal lagaga sifaynayo dalka argagixisada Alshabaab .

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneral C/wali Jaamac Xuseen oo shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey safarka Madaxweynaha iyo muhiimadda uu u leeyahay qorshaha dagaal ee ka dhanka ah Alshabaab.

Jeneral Cabdi Wali Jaamac Xuseen waxa uu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu hordhigi doono Madaxda uu la kulmaayo khatarta iyo dhibaatada Alshabaab ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed isla markaasna uu ka codsandoono in ay garab ku siiyaan Ciidanka Soomaaliyeed dagaalka ay dalka kaga sifaynayaan cadowgaan.

“Safarkani waxa uu ku soo beegmey xilli Soomaaliya ay u baahantahay in garab muuqda ay u hesho dagaalka lagu dabargooynayo argagixisada Alshabaab. Madaxweynuhu waxa uu la wadaagidoonaa Madaxda uu la kulmaayo dareenka Shacabka Soomaaliyeed ay ka muujiyeen Alshabaab, gaar ahaan intii ka dambeysay qaraxii Soobe.” Ayuu yiri Jeneraal Cabdi Wali .

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu safarro shaqo kusoo mari-doonaa qaar ka mid ah wadamada dariska ah ee Soomaaliya ka taakuleeya dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, isagoona Madaxda dalalkaas u soo bandhigi doono muhiimada uu leedahay dagaalka dowladdu ay qorshaynayso in ay ku qaado fariisimaha iyo goobaha ay dalka kaga suganyihiin Argagixisadu.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA https://www.youtube.com/watch?v=ocf639L7wKs

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashooyinka oo soo saaray liiska goobaha codbixinta doorashada Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha wuxuu...

Kulan looga hadlayay horumarinta nidaamka Gaadiidka, Badqabka Waddooyinka oo lagu qabtay Muqdisho

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS ayaa soo qaban...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee QM

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay Jadwalka Doorashooyinka D/Gobolleedyada

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (...