Al-shabaab oo gaari dad shacab ah ay saarnaayeen ku qarxiyey Sh/Dhexe, iyo qasaare dhimasho oo falkaasi ka dhashay

Date:

Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-shabaab gaari dad shacab ah ay saarnaayeen ay miino ugu aaseen  deegaanka Daniga Baalow oo galbeed ka xiga Balcad, halkaasina ay ku geeriyoodeen ilaa iyo Todobo ruux oo ah dad shacab ah.

Deegaanka Baniga Baalow ayaa 15-km u jira degmada Balcad ee gobolka Sh/Dhexe, waxaana marka laga tago dadka dhintay jira dad kale oo miinadaasi ku dhaawacmay.

Wariyaheena Maxamed Amiin Yabarow ayaa soo sheegaya in gaariga Al-shabaab ay qarxiyeen uu ahaa gaari nuuca loo yaqaano Hoomey, islamarkaana suura gal ay tahay in uu sii kordho qasaaraha dhimashada, maadama deegaankaasi aaney laheyn goobo caafimaad oo dadkaasi lagu baxnaanin karo.

Wariyaheena ayaa sidoo kale soo sheegaya in gaari ay saarnaayeen ilaa iyo 18-ruux oo ah ganacsatada qudaarta oo uu kusii jeeday degmada Afgooye.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa caadeystay dhibaateynta dadka shacabka ah, iyaga oo u geysta falal isugu jira qaraxyo iyo dilal toos ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Boliiska oo xariga ka jaray Dhismaha Dugsiga Qur’aanka Kariimka ee Gabdhaha Agoonta Boliiska

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada oo kormeer ku tagay goobaha laga qaadanayo kaarka codbixinta

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Hey’adda UNDP kala wareegay gaadiid loogu talagalay hay’adaha amniga

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shacabka Caasimadda ugu baaqay inay qaataan kaarka codbixinta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...