Jaaliyada Soomaalida ee Magaalada Johannesburg oo kulan  la qaatay Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka”Sawirro”

Date:

Johannesburg(SONNA)-Kulankaan oo ahaa mid casho ah ayaa qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka iyo ganacsatada Soomaalida ee ku nool magaalada Johannesburg waxaa ay hotelka nuura kula qaateen xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Axmed Cali Daahir oo howlo shaqo todobaadkaan u joogay dalka Koofur Africa.

Kulanka oo ay soo agaasintay safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalka South Africa ayaa ujeedkiisa  ahaa in waxgaradka jaaliyada Soomaalida ee magaalada Johannesburg iyo xogyaha guud  ay is waydaarsadaan xogta xaalada dalkii hooyo ee Soomaaliya iyo tan dalka South Africa oo ay marti ku yihiin.

Gudoomiyaha odoyaasha dhaqanka Soomaalida South Africa Suldaan Qooqaani iyo sido kale Nabadoon C/laahi Fiidow Xabeeb oo ku hadlayay magaca jaaliyada Soomaalida South Africa ayaa warbixin ka siiyay mudane Axmed Daahir Cali xaalada Soomaalida South Africa.

Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka South Africa Abaasadoor Jamaal Maxamed Barrow oo kulanka ka hadlay ayaa ku amaanay Sooomaaida South Africa in ay yihiin dad jacel midnimada iyo dowlad wanaaga.
xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Axmed Cali daahir ayaa sheegay in socdaalkiisa dalka Koofur Africa uu ahaa mid looga hadlayay arimo ay ku jiraan sidii ay ku heli lahaayeen Soomaalida ku nool South Africa xaquuq buuxda isla markaana loo yareyn lahaa dhibaatooyinka Loo geysto.

 

SONNA-C/laahi Maxamuud Amiin.C/laahi Qorshe.
Johannesburg-South Africa

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New...

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...