Jaaliyada Soomaalida ee Magaalada Johannesburg oo kulan la qaatay Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.

Date:

Kulankaan oo ahaa mid casho ah ayaa qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka iyo ganacsatada Soomaalida ee ku nool magaalada Johannesburg waxaa ay hotelka nuura kula qaateen xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Axmed Cali Daahir oo howlo shaqo todobaadkaan u joogay dalka Koofur Africa.
Kulanka oo ay soo agaasintay safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalka South Africa ayaa ujeedkiisa waxaa uu ahaa in waxgaradka jaaliyada Soomaalida ee magaalada Johannesburg iyo xogyaha guud  ay is waydaarsadaan xogta xaalada dalkii hooyo ee Soomaaliya iyo tan dalka South Africa oo ay marti ku yihiin.
Gudoomiyaha odoyaasha dhaqanka Soomaalida South Africa Suldaan Qooqaani iyo sido kale Nabadoon C/laahi Fiidow Xabeeb oo ku hadlayay magaca jaaliyada Soomaalida South Africa ayaa warbixin ka siiyay mudane Axmed Daahir Cali xaalada Soomaalida South Africa.
Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka South Africa abaasadoor Jamaal Maxamed Barrow oo kulanka ka hadlay ayaa ku amaanay Sooomaaida South Africa in ay yihiin dad jacel midnimada iyo dowlad wanaaga.
 xeer ilaaliyaha guud qaranka Axmed Cali daahir ayaa sheegay in socdaalkiisa dalka Koofur Africa uu ahaa mid looga hadlayay arimo ay ku jiraan sidii ay ku heli lahaayeen Soomaalida ku nool South Africa xaquuq buuxda isla markaana loo yareyn lahaa dhibaatooyinka Loo geysto .
Ugu dambeyna qaar ka mid ah kasoo qeybgalayaasha kulanka ayaa su’aalo ku saabsan arimaha dacwadii badda iyo garsoorka dalka waxaa ay weydiiyeen xeer ilaaliyaha qaranka Soomaaliyeed waxana dhamaan uu ugu jaawabay su’aalahii la weydiiyay ayada oo sido kale Soomaalida in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalkooda.
 
C/laahi Maxamuud Amiin.
C/laahi Qorshe.
Johannesburg-South Africa

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaasare kuxigeenka Dalka oo saaka qaatay Kaarka Cod-bixinta Doorashada

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed...

Wasiirka beeraha iyo wasiirka shaqada iyo shaqaalaha ayaa kormeer ku tegay degmada Hawlwadaag oo ay ka socoto kaar qaybinta

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Xil. Maxamed Cabdi...

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka XFS oo xalay la caweeyey bulshadda, kuna boorriyay ka qeybgalka doorashada

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Serbia

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan...