Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka qeyb galay Bandhigga Dhiira gelinta Dhalinyarada oo Ruushka ka soconaya”Sawirro

Date:

Muqdisho(SONNA):–Magaalada Sochi Russia waxaa ka soconaya munaasabado la xiriira maalinta dhiira galinta Dhalinyarada iyo ardayda taasi oo ay ka qeyb galayaan dhalinyaro ka socda dalalka caalamka oo Soomaaliya ay kamid tahay.

Madaxweynaha dalka Ruushka Valadamir Putin ayaa daah furay munaasabadda oo ay ka qeyb galayaan ilaa iyo 185 wadan oo caalamka ah, wadamadaasi oo Soomaaliya ay qeyb ka tahay.

Munaasabaddan ayaa loogu talo galay in ay socoto muddo 10-maalin ah, iyada oo maalin walba looga hadlo mowduuc gaar ah oo la xiriira dhiira galinta dhalinyarada dunida.

Markii ugu horeysay ayaa waxaa ka qeyb galay dhalinyaro Soomaaliya mataleysa oo halkaasi kusoo bandhigay caqabadaha heysta dhalinyarada Soomaaliyeed iyo sida xiligan ay muhiim u tahay in la dhiira galiyo.

C/kariin Siciid Yuusuf (Sujaac) oo kamid ah dhalinyaro Soomaaliyeed oo bandhigaasi ka qeyb galay ayaa sheegay in Soomaaliya maanta ay halkaasi kusoo bandhigtay Bandhig wanaagsan oo ka turjumaya dhaqanka Soomaaliyeed iyo farshaxano muujinaya ahmiyadda dhaqanka Soomaalida.

Inkabadan 120-kun oo ajaanib ah ayaa ka qeyb galaya Bandhigaasi waxaana ahmiyad gaar ah la siinayaa dhiira galinta iyo sare u qaadista dhalinyarada caalamka, iyada oo la filayo in lasoo gaba gabeeyo 23-ka bishaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...