Agaasimaha SONNA oo booqday xarunta Jeddah ee Wakaaladda Wararka Sacuudiga”Sawirro

Date:

Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee  SONNA C/llaahi Sheekh C/raxmaan Haybe iyo  Ibraahim Maxamuud Axmed Azhari oo katirsan howlwadeenada Wakaaladda SONNA ayaa booqday faraca xarunta Wakaaladda Sacuudiga ay ku  leedahay Magaaladda Jeddah

Ujeedka booqashada ayaa ahayd sidii madaxda SONNA ay ugu kuur gali laheyd sida ay u shaqeeyaan qeybaha kala duwan ee Wakaaladda Sacuudiga faraceeda Jeddah

Agaasimaha SONNA C/llaahi Sheekh C/raxmaan Haybe iyo wefdiga la socday ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Wakaaladda Sacuudiga faraceeda Jeddah, sida xafiiska wararka lagu tifaftiro iyo xafiisyada sawirrada iyo muuqaalada.

Wefdiga SONNA waxaa halkaasi kusoo dhaweeyey agaasimaha Xafiiska Jeddah ee wakaaladda Wararka Sacuudiga mudane Suldhaan Cabdalla Alxaarithi iyo Maxamed Alawaji oo ah Madaxa tafaftirka xarunta Wakaaladda ee Jeddah.

Agaasimaha SONNA C/llaahi Sheekh C/raxmaan Haybe ayaa  kala hadlay madaxda uu la kulmay sidii labada wakaaladood ay u sameyn lahaayeen iskaashi dhanka Wararka , sawirada iyo muuqaalada iyo inay kala helaan labada wakaaladood tababaro kala duwan.

Agaasimaha xarunta Wakaaladda Sacuudiga ay ku leedahay Magaalada Jeddah ayaa dhankiisa aad usoo dhaweeyay inay labada wakaaladood ay iska kaashadaan dhanka Wararka,  sawirada, filimada, iyo tababarada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Shiinaha oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Difaaca

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan...