Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan Dhiiri Gelin Ah La Qaatay Dhalinyarada Gurmad Qaran

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed iney u istaagaan sidii dalka looga xoreyn lahaa kooxaha gumaadka ku haya shacabka Soomaaliyeed, xili uu la hadlayay dhalinyarada Gurmad Qaran oo maanta uu kulannlan la qaatay.

Ra’iisul Wasaare Khayre wuxuu tilmaamay in aan marnala fiirsan karin xasuuqa lagu hayo shacabka, loogana baahan yahay dhalinyaradu in ay qaataan doorkooda xoreynta dalka, si jawaab adag looga bixiyo dhibaatadii ka dhacday isgoyska Zoobe 14kii bishan.

“ Cuddadda ugu badan ee dalku leeyahay waa idinka maanta haddii aan isku geyno awooddeena waxaa hubaal in dhib danbe aysan shabaab noo geysan karin” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegya in marna aan la aqbali karin in magaalo madaxda dalku wehel u noqoto xasuuq joogto ah, taas baddelkeedana la rabo kooxaha argagixisads in loogu tago meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

Khayre ayaa u sheegay dhalinyarada Soomaaliyeed in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo uu isagu hoggaamin doono dagaalka, waxa uuna dhalinyarada ku booriyay in ay muujiyaan wadaniyad, kana difaacaan cadowgga dalka iyo dadkooda.

“Dhiigga aan ku bixinayno Isbtlitaallada insha allahu waxaan ku bixin doonnaa furimaha dagaalka. Madaxweynaha ayaa nagu hoggaaminaya dagaalka idinkuna u diyaar garooba difaaca dalkiina hooyo, kana qeyb qaata in ay nabad ku seexdaan caruurteena iyo hooyooyinka maalin walba barooranaya”. Ayuu raaciyey Ra’iisul Wasaaraha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen....

DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka...