Hay’adda Samsam oo maanta deeq lacageed gaarsiisay qaar ka mid ah Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Soobe

Date:

Masuuliyiinta Hey’adda Samsam Foundation ee magaaladda Muqdisho waxaa ay maanta deeq gaarsiiyeen qaar kamid ah Bukaanada ku jira Isbitaaladda kuwaas oo dhibaatado kasoo gaartay Qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho Sabtidii aan soo dhaafnay.

Dr Maxamed Yuusuf Agaasimaha Isbitaalka Madiina ayaa sheegay in dhawaacyadda u baahan yihiin in lagarab istaago, maadaama qaarkood ay ka soo jeedaan qoysas aad u dan yar.

Madaxa Hay’adda Samsam Sheceyb C/ladiif Sheekh Bashiir ayaa waxaa uu tilmaamay in Qorshuhu yahay inay tagaan inta badan Isbitaaladda lajiifiyey Dadkii u dhaawacmay Musiibadda ka dhacday Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya sidoo kalena kamid ah Guddiga Gurmadka Qaran C/raxmaan Cumar Cismaan  ayaa waxaa uu sheegay in dadku inay isgarab istaagaan ay aad muhiim u tahay waxaana uu u mahadceliyey Madaxda Hey’adda Samsam Foundation sidda ay dadka u garab taagan yihiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...