Boqorka Marocco oo ugu Tacsiyadeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Qaraxii Zoobe

Date:

Rabad-(SONNA)– Boqorka dalka Morocco Maxamed Lixaad ayaa dhambaal tacsi ah u soo diray Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Mahamed Abdulaahi Maxamed Farmaajo weerarkii wuxuushnimada ahaa oo ay kooxda xaqjirka ah ee Al-Shabaab ku laayeen 14-kii bishan ilaa 300 oo Qof, tiro intaa ka badan ay ku dhaawaceen.

Boqorka ayaa dhambaalkiisa ku xusay in isagoo ku hadlayo magaciisa, kan xukuumadda iyo midka shaacabka Marocco uu aad ugu xun yahay dhacdadaasi ay ku nafwaayeen dad maato ah oo aan waxba galabsan,wuxuuna falkaasi lagu laayay dadkaasi ku tilmaamay mid argagixiso ah , kana soo horjeeeda qiyamka insaaniga ah iyo diinteyna muqadaaska ah.

Bqorka dalka Marocco ayaa tacsiyadaa uu u soo diray Madaxweynaha Soomaaliya uu Eebe ugu baryay dadkii dhacdadaasi ku geeriyooday inuu naxriistiisa ka waraabyo eheladii iyo qoysaskii ay ka tagayna uu ka siyo Samir iyo Iimaan .Amiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo boggaadiyay ansixinta guddiga Doorashooyinka Qaranka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin...

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Shir looga hadlayo kobcinta Dakhliga ka furay Muqdisho

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige,...

Wasiiru-dowlaha Cadaaladda oo kulan la qatay Wasiirka Cadaaladda Masar

Wasiiru-dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Ambassador...

Labada Gole ee Baarlamaanka oo ansixiyey guddiga madaxa-banaan ee Doorashooyinka 

Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kulan...