Boosaaso oo si weyn looga dareemayo gurmadka loo fidinayo dhibanayaasha Qaraxii Soobe

Date:

Magaalada Boosaaso waxaa si xowli ah uga socda gurmadka loo sameynayo dadkii waxyeelada ka soo gaartay masiibadii ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho,waxaana gurmadka uu ka socdaa Masjidka Rowda ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Xalay ayaa Boosaaso laga uruuriyey lacag kor udhaafeysa 300.000 oo doolar (Saddex Boqol Oo Kun Oo dollar)  waxaana lacagtan isku daray shacabka, Ganacsada, Xukuumada Puntland iyo shaqsiyaad kale taasi oo loogu gurmanayo dadkii ku dhaawacmay qaraxii Muqdisho iyo kuwii eheladooda ku waayey.

Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur oo Boosaaso kahadlayey ayaa dalbaday in loo gurmado Walaalaha dhibaatada kala kulmay qaraxii Soobe.

Sidoo kale,Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland c/laahi Cali Xirsi (Tima cadde) oo ka hadlay saameynta Qaraxa ayaa sheegay in loo baahan yahay dhaqaalo looga jawaabo si loo taageero dhaawacyada Cisbitaalada lagula tacaalayo.

Shirkadaha Ganacsiga, Shacabka magaalada iyo Ganacstada waxay weli wadaaan dadaalada loogu gurmanayo walaalaha dhibaatada ka soo gaartay Soobe ee 14-kii bishan dhacay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...