Angelino Alfano “Talyaanigu wuxuu rabaa in uu muujiyo taageeradiisa dhammaan qoysaska dhibanayaasha iyo kuwa Ku dhaawacmay Qaraxii Soobe”,

Date:

Muqdisho(SONNA) Dowladda Talyaaniga ayaa lacag dhan 300,000 oo Euro ugu deeqday Soomaaliya si wax looga qabto dadka waxyeelada ay ka soo gaartay Qaraxii wuxuushnimada ay kooxda Argagixisada Al-Shabaab ka geysteen 14-kii bishan Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arimaha Dibadda dalka Talyaaniga Angelino Alfano oo ka hadlay muhiimada deeqdaan lacageed ayaa carabka ku adkeeyay in wax uun ay ka tarto dhibaatada dadkii waxyeelada ka soo gaartay Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdsho.

“Waxaan diyaariyey adeegga Talyaaniga ee gargaarka deg degga ah ee 300,000 oo Euro si ay kaalmo ugu noqoto Ururka Caalamiga ah ee Bisha Cas (FICROSS), qayb ahaan lacagtan waxaa si gaar ah loogu tala galay in wax looga qabto weerarkii Argagixiso ee ka dhacay Muqdisho.” Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Angelino Alfano.

Isagoo hadalkiisa sii wata Wasiir Alfano ayaa Yiri “Hay’adda Bisha Cas ee Soomaaliyeed waxay awoodi doontaa inay lacagtaan ka timid Talyaaniga u adeegsato si ay u siiso daryeel caafimaad kuwa ku dhaawacmay weerarka,”

Sabtidii la soo dhaafay oo ay taariikhda ku beegneyd 14-ka October,wuxuu weerar argagixiso uu ka dhacay Isgoyska Soobe,kaasoo ay ku dhinteen 280-Qof halka ilaa iyo 300-Qof ay ku dhaawacmeen,waxayna Dowladda Talyaaniga shaacisay iney dooneyso muujinta taageerada dhamaan Qoysaska dhibanaasha ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...