Masar oo looga baroor diiqay dadkii ku waxyeelloobay qarixii Soobe

Date:

Waxaa sii kordhayay qeylo dhaanta iyo walaaca laga muujinayo xasuuqa Shabaab ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qarixii bahalnimada ahaa oo ka dhacay isgoyska Soobe ee magalaaad Muqdisho.

Kulan baroorqiid ah oo ay Soomaalida ku nool Masar ku muujiyeen sida ay uga xunyihiin weerarki 14-ki October ka dhacay Muqdisho oo lagu laayay ku dhawaad 300 oo ruux oo Soomaali ah, ayaa xalay ka dhacay safaarada Soomaaliya ee magaalada Qahira ee Caasimadda Dalka Masar.

Waxaa si wada jir ah u soo qaban qaabiyay kulankaasi Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Masar iyo Jaaliyadda Soomaalida,kuwaasi oo muujiyay dareenkoodi murugada leh oo ay ka qabaan gumaadka shacabka ay ku hayaan SHabaab.

Madaxweynihi Hore ee Soomaaliya Dr C/Qaasim Salaad Xasan,Safiirka Soomaaliya ee Masar C/qani Wacays iyo Xasan Maxmed Xuseen Muungaab oo soo qabtay xilal kala duwan ayaa ka qeybgalay kulankaasi boqoordiiqa ahaa,waxaana ay ku booriyeen shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda in ay u istaagaan ladagaalanka cadowga,sida uu sheegay Dr C/qaasim Salaad Xasan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Danjiraha Soomaaliya ee Masar ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Jaamacadda Carabta C/qani Wacaysa ayaa sheegay in looga baahanyahay shacabka iyo Dowladda in ay iska kaashadaan sidii looga hor tagi lahaa khataraha cadowga.

“Anagoo ka wakiil ah shacabka Soomaaliyeed ee halkani kunool waxaan la qeybsanaynaa umadda Soomaaliyeed dhibaatada iyo xanuunkii ku dhacay,waxaan leenahay ha loo midoobo Dowlad iyo shacab sidii la isaga kaashan lahaa ka hortaga dhibaatooyinka Shabaab”, Ayuu yiri Safiir  C/qani Wayas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...