R/wasaare ku xiggeenka XFS oo furay Mashruuc Gurmad ah oo Hay’adda Gargaarka  Qatar ay maalgalineyso “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA) Ra’iisul wasaare ku xiggeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ay wehliyaan Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, Marwo Maryan Qaasim Maxamed, ayaa daah furay Mashruuc Seddex bil socon doonna oo lagu caawinayo Dadkii waxyeelada ay kasoo gaartay qaraxii Zoobe.

 
Mashruuca uu daah furay Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS, ayaa waxaa fulinaya Hay’adda Gargaarka Qatar, waxaana uu ka kooban yahay Mashuuracan oo inta uu socda dadka bukaanka ah ay heli doonaan Daawo, Raashin, Lacag iyo Gaadiidka Gurmadka deg dega ah.

 
Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, Marwo Maryan Qaasim Maxamed, ayaa sheegtay in qaraxii ka dhacday KM5 ay tahay Musiibo qaran, iyaddoo Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqday in loo soo wado gurmado Walaalaha Soomaaliyeed ee Dhibaneyaasha ah.

 

Ra’iisul wasaare ku xiggeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa si rasmi ah u daah furay Mashuuracan, waxaana isna uu ku baaqay in si wada jir ah looga wada qeyb qaato Gurmadka Qaran.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Cadaaladda oo furay tababar aqoon kororsi oo loo qabtay saraakiisha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Xasan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyey kulan looga hadlay Hindisaha Xeerka Maamulka Goleyaasha Degmooyinka

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta XFS...

MADAXWEYNAHA JFS OO WARQADAHA AQOONSIGA DANJIRENIMO KA GUDDOOMAY SAFIIRKA CUSUB EE JABUUTI

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo kulan la yeeshay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Sweden

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS...