Guddoomiyaha maxkamada sare ee Dalka oo lacag ugu deeqay dadkii ku waxyeeloobay qaraxii muqdisho

Date:

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka, Mudane Ibraahim Iidle Suleymaan oo ay la wehliyeen Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka, Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe, iyo Qaar kamid ah Garsooreyaasha dalka, ayaa maanta booqday Xarunta Gurmad qaran ee Magaaladda Muqdisho, halkaasi oo kormeer ay ugu guur galayeen sida ay Howlaha gargaar u socdaa ku tagey.

 

Guddoomiyaha Maxkmadda sare ee Dalka, Mudane Ibraahim Iidle Suleymaan oo la kulmay Guddiga Qaran ee qaraxii Zoobe, ayaa sheegay in guddigaasi ay ku warreejinayaan Deeq lacageed oo gaareysa 20.000$, si loogu dardar galiyo Howlaha gargaar ee Guddiga uu wado.

Ibraahim Iidle Suleymaan, Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka , ayaa boggaadiyey Howsha qaran ee ay Ummadda Soommaaliyeed u hayaan Guddiga, isagoo tilmaamay in Lacagtii guddiga gurmadka ay ku warreejiyeen ay iska arruuriyeen Guddoonka Maxkamadda iyo garsooreyaasha Dalka.

Ugu dambeyntii Wafdiga uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Maxkmadda sare ee dalka, ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee dhismaha uu ku shaqeeyo guddiga, iyagoo xog wareystay qaar kamid ah dhalinyaradda Soomaaliyeed ee sida mutadawacnimada ah ugu addeegaya Bulshadooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...