Ra’iisul wasaare Kheyre iyo ku Xiggeenkiisa oo soo booqday Xarunta Gurmad qaran ee Magaaladda Muqdisho “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA) Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre oo uu wehliyo R/wasaare ku xiggeenka Xukuumadda, ayaa hadda soo booqday Xarunta Gurmad qaran ee Magalaadda Muqdisho, halkaasi oo ay ka socdaan Howlo loogu gargaarayo dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Zoobe ka dhacay 14kii Bishaan.

 

sidoo kale R/wasaare Kheyre iyo Ku xiggeenkiisa, ayaa Xarunta gudaheeda kulan kula qaadan doonno Guddigii loo xil saaray u gurmashada dhibaneyaashii waxyeelada ay kasoo gaarta Qaraxii Magaaladda Muqdisho ka dhacay.

 

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in doorka ay maanta qaateen ee gurmadka ay sii wadaan. Wuxuuna cadeeyey in haddii la helo midnimo iyo wadajir laga guuleysan karo cadow walba oo dhibaatu ku ah shacabka Soomaaliyeed.

 

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa xarunta gurmadka kula kulmay haweeney Soomaaliyeed oo wadata labo caruur ah seygeediina ku weydey qaraxii isgoyska Zoobe . Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga tacsiyeyey dhibaatada soo gaartay, isla markaana ay dawladdu xil iska saari doonto wax u qabashada dhibanayaasha ay dadkoodii xasuuqeen Argagixisadu.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...