Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Guddiga Gurmad Qaran ee dhacdadii 14-kii October

Date:

Muqdisho, 18, October 2017—–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kormeer ku tagey xarunta gurmad qaran, wuxuna halkaasi warbixino uga dhageystay qaar kamid ah xubnaha guddiga iyo dhalinyaro Soomaaliyeed ee is xil-qaantay una istaagay iney caawiyaan dadkii ay saameysay dhibaatadu.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dhalinyarada Soomaaliyeed ee doorka fir-fircoon ka qaatay sidii gurmad loogu fidin lahaa dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe 14-kii bishan October. Isagoo ugu baaqay iney sii wadaan dadaalka ay ku caawinayaan shacabka dhibaateysan.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in doorka ay maanta qaateen ee gurmadka ay sii wadaan. Wuxuuna cadeeyey in haddii la helo midnimo iyo wadajir laga guuleysan karo cadow walba oo dhibaatu ku ah shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa xarunta gurmadka kula kulmay haweeney Soomaaliyeed oo wadata labo caruur ah seygeediina ku weydey qaraxii isgoyska Zoobe . Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga tacsiyeyey dhibaatada soo gaartay, isla markaana ay dawladdu xil iska saari doonto wax u qabashada dhibanayaasha ay dadkoodii xasuuqeen Argagixisadu.

—DHAMMAAD—- 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...