Diyaarad sidday Dawo uu soo dhiibay Maamulka Puntland oo soo gaartay Muqdisho

Date:

Iyadoo weli ay soconayaan howlaha loogu gurmanayo dadkii ku waxyeeloobay qarixii ka dhacay Isgoyska Soobe ayaa Dowlad Goboleedka Puntland waxaa uu ka qeyb qaadanayaa howlahaasi samafalka ah.

Diyaarad sidda daawo uu soo dhiibay maamulka Puntland ayaa ka soo degtay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho,waxaana loogu talagalay daawadaasi in lagu baxnaaniyo dadka ay mashaqadu saameysay.

Waxaa garoonka ku soo dhaweeyey wefdi dhaqaatiir ah oo dawooyinkasi la socday,Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad,iyo masโ€™uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Masโ€™uuliyiinta Dowladda Federaalak Soomaaliya ayaa uga mahad naqay Dowlad Goboleedka Puntland sida ay uga qeyb qaadanayso ka maamul ahaan howlaha gurmadka ah iyo sidoo kale maamulada kale ee Dalka kajira.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Talyaaniga xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo xafiikiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo furay shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...