Ra’iisul Wasaare Khayre oo ka tacsiyeeyey geeridii Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin

Date:

Muqdisho (SONNA)  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa tacsi u direy qoyskii, eheladii iyo Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, geeridii ku timid Marxuum Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin oo ka mid ahaa xubnaha Baarlamanka Soomaaliya, isla mar kaana ku geeriyooday dalka India, xanuun hayay awgeed.

 

Waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha  sheegay in Marxuum Xildhibaan Bootaan uu ka mid ahaa xubnaha ugu firfircoon Baarlamanka, sidaa darteedna Baarlamanka iyo shacabkuba ay tebi doonaan hawshii wanaagsaneyd ee uu u hayey.

 

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

——DHAMMAAD——

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane...

Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa walaac qotada dheer oo...