Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka oo deeq gaar siisay dadka dhaawacyada ah+Sawirro

Date:

Muqdisho(SONNA) Waxaa weli sii kordhay adadaalada loogu gurmanayo dadkii ku waxyeloobay qarixii bahalnimada ahaa oo 14kii bishan ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho,kuwaasi oo kujira isbitaalada magaalada Muqdisho.

Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta ayaa deeq isugu jirta Timir iyo Biyo waxaa ay u qeybisay qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay qarixii ka dhacay Isgoyska Soobe iyo sidoo kale dadka wada ololaha nadaafadad goobtii falkaasi uu ka dhacay.

Isbitalka Banaadir oo ay kujiraan Qaar kamid ah dhaawacyadii ka dhashey qaraxaasi,iyo bunaao kale oo horey halkaasi u jiifey ayaa si isku mid ah loogu qeybiyay deeqdan,sidi loogu kaabo noloshooda.

Agaasimaha maamulka Isbitalka Banaadir ayaa ka mahadceliyaya deeqdan isagoo codsaday in adeegyada kale ee caafimaad oo ay u baahan yihiin laga xaqab tiro.

Intaasi kadib ayaa waxaa mas’uuliyiintii ka socotay Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta waxaa ay tageen Goobtii qaraxa uu ka dhacay halkaasi oo ay gaarsiyeen,deeq Timir iyo Biyo isugu jirta taasi oo loogu talagalay in lagu dhiiro geliyay dadka ka qeyb qaadanaya nadaafadda goobtaasi,kuwaasi oo isugu jira ciidamada Xoogga Dalka iyo qeybaha bulshada.

Jawaahir Barqab guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir iyo Saraakiil qeyb ka ah howlahaasi gurmadka ayaa sheegay in talaabadana ay muujinayso sida looga wada damqaday shacabka Soomaaliyeed.

“Run ahaantii aad iyo aad ayaan uga mahadcelinaynaa dhamaan dadkii u sitaagay in ay ka qeyb qaatan howlahan gurmadka ah,waxaan uga mahadnaqaynaa hay’adda Bisha Cas sida gar gaarkani ay ina soo gaarsiisay markastana waxaa ay diyaar u tahay sidii ay uga qeyb qaadan lahayd samatabixinta shacabka Soomaaliyeed,waxaan leenahay waad ku mahadsan tihiin.”,ayay dheheen mas’uuliyiintani.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dekadaha XFS oo ka qeybgalaya shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha Adduunka.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur,...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Muqdisho ka furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magaalada Rabat kula kulmay dhiggiisa dalka Morocco.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Booqday Xarunta Dhexe ee Warbaahinta Malaysia.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS,...