Dibadbaxyo waaweeyn oo maanta ka dhacay Dhuusamareeb iyo Guriceel

Date:

Dibadbaxyadii ugu ballaarnaa oo looga soo horjeedo falalka guracan ee maleeshiyaadka Shabaab iyo xasuuqii ka dhacay isgoyska Soobe ayaa maanta lagu qabtay magaalooyinka Dhuusamareen iyo Guriceel.

Wariyaha nooga soo warama deegaannadaasi Maxamed Deeq Cabdi Maxamed ayaa soo sheegaya in dibadbaxani ay ka qeybqaateen kumannaan dadweyne ah oo aad uga careysnaa xasuuqii lagu laayay boqolaal shacb Soomaaliyeed ah oo aan waxba galabsan.

Banaanbaxayaasha oo badankood madaxa ku soo xirtay weer gaduudan ayaa ku qeylinayay ereyo ka dhan ah maleeshiyaadka Shabaab, waxeyna socod ku soo mareen wadooyinka magaalooyinkaasi.

Mas’uuliyiin la hadashay dibadbaxayaashaasi ayaa dalbaday in meel looga soo wada jeesto maleeshiyaadka Shabaab, iyagoo sheegay in la gaaray xilligii midnimada ummadda iyo baaba’ maleeshiyaadka Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...