Guddoomiyaha maxkamada sare ee Dalka oo lacag ugu deeqay dadkii ku waxyeeloobay qaraxii muqdisho

Date:

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka, Mudane Ibraahim Iidle Suleymaan oo ay la wehliyeen Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka, Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe, iyo Qaar kamid ah Garsooreyaasha dalka, ayaa maanta booqday Xarunta Gurmad qaran ee Magaaladda Muqdisho, halkaasi oo kormeer ay ugu guur galayeen sida ay Howlaha gargaar u socdaa ku tagey.

 

Guddoomiyaha Maxkmadda sare ee Dalka, Mudane Ibraahim Iidle Suleymaan oo la kulmay Guddiga Qaran ee qaraxii Zoobe, ayaa sheegay in guddigaasi ay ku warreejinayaan Deeq lacageed oo gaareysa 20.000$, si loogu dardar galiyo Howlaha gargaar ee Guddiga uu wado.

Ibraahim Iidle Suleymaan, Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka , ayaa boggaadiyey Howsha qaran ee ay Ummadda Soommaaliyeed u hayaan Guddiga, isagoo tilmaamay in Lacagtii guddiga gurmadka ay ku warreejiyeen ay iska arruuriyeen Guddoonka Maxkamadda iyo garsooreyaasha Dalka.

Ugu dambeyntii Wafdiga uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Maxkmadda sare ee dalka, ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee dhismaha uu ku shaqeeyo guddiga, iyagoo xog wareystay qaar kamid ah dhalinyaradda Soomaaliyeed ee sida mutadawacnimada ah ugu addeegaya Bulshadooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...