Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Zambia oo ka tacsiyadeysay Musiibadii 14,kii bishan ka dhacday Magaaladda Muqdisho.

Date:

Muqdisho (SONNA) Warsaxaafadeed ay soo saartay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Zambia ayaa si kulul loogu cambaareeyay qaraxii argagaxisinimo ee kooxaha nabad diidka ah ay maalin ka hor ay ka geysteen Magaaladda Muqdisho.

Danjiraha Safaaradda Soomaaliyeed ee Wadanka Zambia Danjire  Maxamed  Xasan Dawaare ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin dhibaatadii argagaxisada ay ka geysteen Magaaladda Muqdisho oo ay ku dhinteen dad tiradoodu ay kor u dhaafeyso 230 qof tirada dhaawacuna uu sedax boqol kasii badanyahay iyadoo weli ay dad nolol iyo geeri midna lagu la’yahay.

“innaa lillaah wa innaa Ileehi raajicuun waxaan halkaan ka cabaareyneynaa qaraxii kooxaha aragagixisadu ay 14,kii bishan ay ka geysteen Magaaladda Muqdisho kaasoo geystay qasaare isugu jira dhimasho,dhaawac iyo sidoo kale bur bur aad baaxadiisu u weyntahay oo ah musiibo qaran anigoo ku hadlaya magaca safaaradda iyo kan jaaliyada Soomalaiyeed ee Zambia waxaan murugta iyo dhibta la qeybsaneynaa Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda musiibadii dhacday” ayuu yiri Danjire Maxamed Xasan Dawaare.

Maalintii sabtiga ayay aheyd markii qarax lagu tilmaamay kii ugu weynaa ee ka qasaare noocaan ah geysta uu ka dhacay Magaaladda Muqdisho kaasoo shacabka Soomaaliyeed uu kasoo gaaray dhimasho,dhaawac iyo bur bur soo gaaray goobo ganacsi iyo dhismooyin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...