Dowlada Qatar oo Diyaarad gurmad ah u soo direyso Muqdisho

Date:

Muqdisho (SONNA) Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khader) ayaa sheegay in Dowlada Qatar ay diyaar u tahay inay Muqdisho u soo dirto Diyaarad gurmad ah oo lagu qaado dadka ku dhaawacmay Qaraxii Sabtidii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in qorshaha uu ahaa in dowlada Qatar ay maanta soo dirto diyaarada Gurmadka ah balse ay iyaga dib u dhigeen maadaama maanta Diyaarad ay soo dirtay Dowlada Turkiga lagu daabulay dhaawacyada ugu daran.

34-ruux oo ka mid ah dadka qaba dhaawacyada ugu daran ayaa maanta loo qaaday dalka Turkiga si halkaasi loogu soo daweeyo, waxaana arintaasi ay qeyb ka tahay dadaalada dowlada Turkiga ay ku garab taagan shacabka Soomaaliyeed, iyadoo Wasiirka Caafimaadka Turkiga uu saaka soo gaaray magaalada Muqdisho, wuxuuna u kuur gali doonaa xaalada dadkii waxyeelada ka soo gaartay qaraxii ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Muqdisho ka Furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee...

Munaasabada xuska ciidanka Booliiska oo goordhow ka bilaaban doonta Muqdisho

Waxa maanta oo ah 20-ka bisha disember si weyn...

Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar

20-ka disember waa astaan ka mid ah maalmaha qaran...