Shirkii Wakaaladaha Wararka Islaamka oo maanta la soo gabagabeyn doono +SAWIRRO

Date:

Jeddeh(SONNA)–Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA Cabdullaahi Shiikh Cabdiraxmaan Heybe iyo Ibaraahim Maxamuud Axmed oo kamid ah Shaqaalaha SONNA ayaa ka qeybgalaya shirka Wakaaladaha Wararka ee Dunida Muslimka kaasoo la filayo in Maanta lagu soo gabagabeeyay Magaalada Jiddeh ee Dalka Boqortooyada Sacuudi Caraabiya.

Shirkaasi oo ahaa kii 25-aad ee Wakaaladaha Wararka Dunida Islaamka iyo Carabta, kaasi oo ka furmay 14-kii bishan Oktoober ayaa wuxuu uu socday muddo Labo Maalin ah, waxaana looga hadlay sidii loo xoojin lahaa Wada shaqeynta Wakaaladaha, horumarinta, Qadiyada Falastiin iyo ka wacyi galinta bulshada fekerka Xagjirnimada iyo qodobo kale oo muhiim, iyadoo Golaha Fulinta Wakaaladaha ay u doorteen in uu noqdo Agaasimaha guud ee Wakaaladaha Wararaka Dowladaha Islaamka Mudane Ciise Kheyre Rooble 4-ta sano ee soo socota, kaasi oo u dhashay Dalka Jabuuti.

Waa markii ugu horeysay oo Wafdi ka socda Wakaalada SONNA ay ka qeyb galaan shirkaasi tan iyo intii uu Dalku burburay sanadkii 1991-kii, waxayna dib u soo celineysa wada shaqeynta ay la laheyd Wakaaladaha caalamka.

Agaasime Heybe iyo Ibraahim Azhari intii ay joogeen Magaaladaasi, waxay booqasho ku tageen Xarunta Wakaaladda Wararka Islaamka ee IINA, oo iyadu soo qabanqaabisey Shirka caalamiga ah ee ka dhacayay Magaaladda Jeddah ee Boqortooyada Saudi Arabia, waxaana ka soo qeybgalay dhammaan Wakaaladaha Wararka Dowladaha Islaamka, islmarkaana kulan isbarasho ah kula qaatay Wakaaladaha dhiggooda ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Türkiye oo xusay 15-guuradii booqashadii Erdoğan uu ku yimid Muqdisho

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed,...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...