Madaxweyne Ordugan oo Amray diyaarado gurmad ah oo Soomaaliya loo soo diro

Date:

Muqdisho(SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Turkiga Recep Tayib Erdugon ayaa amray in diyaarado sida gar gaar caafimaad iyo dhaqaatiir ay si deg deg ah ugu ambabaxaan magaalada Muqdisho si ay gurmad ugu sameeyaan shacabka Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay weerarkii argigixiso ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Warbaahinta Dalka Turkiga oo soo xiganaya afhayeenka xafiiska Madaxweynaha Turkiga waxa ay shaaciyeen in diyaaradahan ay saacadaha soo socda u ambabixi doonaan magaalada Muqdisho ayagoo sida daawo iyo dhaqaatiir .

Gurmadka waxa ay walaalaha Turkiga uga qeyb qaadan doonaan laba siyaabood oo tan koobaad ay tahay iney gurmad caafimaad oo deg deg ah ugu sameeyaan dadka magaalada Muqdisho iyo tan labaad oo ah in dhaawacyada kuwooda culus loo qaado dalka Turkiga si loogu soo daweeyo ayadoo aanan lagu xireyn dhaawacyadaas wax dal ku gal ah (VISA).

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa balanqaady in dalka dibadiisa loo qaadayo dadkii dhaawacyada culus soo gaaray xli manta uu ku booqday isbitalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...