Guddoonka aqalka sare oo baajiyay kulan ay lahaayeen si ay tacsida ula qeybsadaan shacabka

Date:

Muqdisho(SONNA) Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo lahadlay SONNA ayaa sheegay in la baajiyay kulan ay lahaayeen Golaha.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in ujeedka ay u baajiyeen kulankaasi oo su’aalo lagu weydiin lahaa Wasiirka Diinta iyo Awqaafta uu yahay sidii ay shacabka Soomaaliyeed ula qeybsan lahaayeen tacsida.

Waxaa uu shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyey dadkii ku dhintay qarixii foosha xumaa,isagoo eebe uga baryay dadkii dhaawacmay in uu bogsiiyo.

Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqey in ay la shaqeeyaan ciidamada Ammaanka si loo baajiyo dhig dadka shacabka ah oo ay si micno daro ah ay u daadinayaan kooxaha argagixisada Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...