Guddoonka aqalka sare oo baajiyay kulan ay lahaayeen si ay tacsida ula qeybsadaan shacabka

Date:

Muqdisho(SONNA) Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo lahadlay SONNA ayaa sheegay in la baajiyay kulan ay lahaayeen Golaha.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in ujeedka ay u baajiyeen kulankaasi oo su’aalo lagu weydiin lahaa Wasiirka Diinta iyo Awqaafta uu yahay sidii ay shacabka Soomaaliyeed ula qeybsan lahaayeen tacsida.

Waxaa uu shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyey dadkii ku dhintay qarixii foosha xumaa,isagoo eebe uga baryay dadkii dhaawacmay in uu bogsiiyo.

Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqey in ay la shaqeeyaan ciidamada Ammaanka si loo baajiyo dhig dadka shacabka ah oo ay si micno daro ah ay u daadinayaan kooxaha argagixisada Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane...

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shir guddoomiyay kulan muhiim ah

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Wasiir Fiqi oo kormeeray fariisimaha ciidamada XD ee Baydhabo

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi...

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya oo Baydhabo kula kulmay Saraakiisha ciidamada

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa...