Tababar ku saabsan habka baarista dambiyada iyo xadgudubyada loo geysto Haweenka oo lagu qabtay Muqdisho

Date:

Muqdisho (SONNA) Si ahmiyad loo siiyo ka hortagga dhibaatooyinka loo geysto Haweenka ayaa Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya waxey tababar ku aadan sidii la isaga kaashan lahaa in bulshada ay helaan cadaalad u qabatay xubno ka socday hoogaanka dambibaarista dambiyada ee gobalka Banaadir iyo dowlad-goboleeyada dalka ka jira.

Xubnaha ka socday hogaanka dambibaarista iyo xeer ilaaliyeyaasha dowlad goboleedyada Galmadug Hirshabeelle K/Galbeed iyo Jubbaland iyo gobolka Banaadir ayaa si isku mid ah ugu mahad celiyey macalimiinta tababarka bixinayey iyo wasaraadda Cadaaladda, iyagoo sheegay in si cadaalad ah loo wajaho ahmiyad gaar ahna la siiyo dacwadaha la xiriira dhibaatooyinka loo geysto Haweenka iyo dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji oo daah furay Tababarka ayaa sheegay  in wasaaraddu ay diyaar u tahay  in la hormariyo cadaaladda dalka.

Dhawaan ayey aheyd markii madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu sheegay in ahmiyada ugu weyn ay dowladda siineyso  in bulshada Soomaaliyeed ay helaan garsoor iyo cadaalad hufan.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Waxbarashada XFS oo Muqdisho ku soo dhaweeyay dhiggiisa Dalka Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda Waxbarashada oo dib u dhistay Iskuulkii Farsamada Gacanta Maxamuud Axmed Cali ee degmada Kaaraan

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka...

Howlgal lagu dilay xubno ka tirsanaa Khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka oo kaashanaya saaxiibada...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho rasmi ah ku tegay Dalka Masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...