R/wasaare Khayre oo magacaabay guddiga la socodka tartanka loo galayo Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Dowladda

Date:

Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta magacaabay guddi la socda tartanka loo galayo 26ka Agaasime guud ee Wasaaradaha Dowladda Federaalka Soomaaliya kaasi oo ka kooban ilaa 11 xubnood.

Guddigan oo isugu jira mas’uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya iyo ururada Bulshada Rayidka  ayaa guddoon looga dhigay R’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Qadar,kaasi oo shaqadiisu ay noqon doonto in uu la socdo tartanka loo galayo agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda Soomaaliya.

11ka Xubnood ee guddigan ayaa kala ah  5 Wasiir ,Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo 5 xubnoo oo ka kala socoda Ururada Bulshada Rayidka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in talaabadan ay qeyb ka tahay daah furnaanta maamulka Hay’adaha Dowladda.

Dhawaan ayay ahayd markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu sheegay in tartan loo gali doono xilka Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda Soomaaliya,taasi oo haatan fulinteedi ay bilwoday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Jaaliyadda Soomaalida ee Xadarmuut oo afur u sameeyay Safiirka Soomaaliya ee Yemen

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen C/Xakiim Maxamed Axmed...

Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa...

Wasiirka xanaanada xoolaha oo qaabilay wafdi ka socda Hay’adda WFP

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan...