Bandhig Carweedka Dhaqanka iyo Farshaxanka oo la soo gabo gabeeyay

Date:

Bandhigaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, waxaa soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Benaadir oo maalgaliyay Haweenka 17-ka Degmo ee Gobolka si ay usoo bandhigaan wax soo saarkooda.

Mashruucaan oo socday labo maalin ayaa Maamulka gobolka Benaadir waxa uu sheegay in ujeeddada laga leeyahay ay tahay dhiiragelinta, kobcinta, horumarinta Haweenka iyo dhaqanka.

Barnaamijkaan oo lagu qabtay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxa ay ku soo bandhigeen Haweenka oo kala matalayay Degmooyinka agab, dhar iyo cunooyinka Hidaha iyo Dhaqanka ay u leedahay Soomaalida, iyada oo hal ku dhigyada ay isticmaalayeen ay ka mid tahay “Badbaadi deegaanka oo jooji isticmaalka bacda, taa badalkeedna qaado dambiisha”

Waxybaaha lasoo bandhigay, waxaa ka mid ahaa farshaxanka, Xeerada iyo fandhaalka lagu cuno cuntada,  dirimo ka sameysan cow, dambiil, dhiisha caanaha, Haamo, dharka dhaqanka iyo kuwa kale oo muhiim u ah nolosha oo dhammaantooda lagu sameeyay dalka.

Sidoo kale waxa ay ahayd carwo furan oo loogu tala galay in Dadka ay iibsadaan waxyaaabaha lagu soo bandhigay halkaasi, iyada oo qaar badan oo ka mid ahaa kasoo qeybgalayaasha oo isugu jiray Madax iyo shacab ay gateen waxii ay u arkeen in ay u  baahan yihiin.

Qaar ka mid ahaa Haweenkii lahaa farsamada waxyaabaha lagu soo bandhigay ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid dhiiri gelin u ah waxsoo saarkooda.

Dadka madasha joogay ee wax ka iibsaday waxyaabaha lasoo bandhigay, waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Golaha aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi, Wasiirka Ammniga Mudane Maxamed Abuukar Isloow, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Taabid Cabdi Maxamed iyo Xildhibaanno ka tirsan Barlamanka Federaalka.

Mas’uuliyiintii ka hadashay madasha waxa ay sheegeen in Haweenka ay yihiin awood muuqata oo u baahan in la gacan siiyo, iyaga oo dhiiragaliyay mashaariicda noocaan ah ee lagu soo nooleynayo dhaqanka Soomaalida.

Bandhigaan waxa uu yimid, iyada oo ay sii yaraanayaan wax soo saarka iyo adeegsiga waxyaabihii ay Hidaha iyo Dhaqanka u lahaan jireen Soomaalida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Gaashaandhigga oo hambalyo u diray Ciidanka Cirka sanad-guurada 66-aad ee aas-aaskooda

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Hambalyo u diray Ciidanka Cirka Xuska Sanad-guuradii 66-aad

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Habka Is-Qiimeynta iyo Dib-u-Eegista Maamul-Wanaagga Afrika ee APRM

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay...

Wasiirka Beeraha oo booqasho ku tegay qaar ka mid ah beeraha degmada Afgooye

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee JFS, Xil. Maxamed...