Xiisadda Turkiga iyo Mareykanka oo Wali Cakiran

Date:

Muqdisho(SONNA) Mareykanka ayaa weydiistay Dowlada Turkiga inay soo bandhigo haddii ay heyso caddeymo muujinaya eedaha ay usoo jeediyeen shaqaalo ka tirsan qunsuliyada Mareykanka ee Turkey iyo dhowr muwaadin oo Mareykan ah oo lagu xiray dalka Turkiga.

Muwaadiniinta Mareykanka ee lagu xiray Turkiga ayaa waxaa ku jira wadaad ka tirsan Kaniisadda oo lagu magacaabo Andrew Brunson.

Afhayeen u hadashay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo lagu magacaabo Heather Nauert, ayaa ugu baaqday Dowladda Turkiga in ay Mareykanka usoo gudbiso cadeymaha muujinaya in dadkani yihiin argagixiso.

Waxay ka dalabtay xukuumadda Ankara in ay ka dhabeyso balanqaadkeedii ahaa in dadka la xiray ay u golaan doonto in ay arkaan qareenada matalaya.

Arbacadi, xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Rex Tillerson ayaa khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa Turkiga, Mevlut Cavusoglu. Wuxuu u gudbiyay walaaca qotada dheer ee ay ka qabaan xiritaanka muwaadiniinta Mareykanka iyo shaqaalaha qunsuliyada.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa u sheegay Mareykanka in haddii ay rabaan sii deynta wadaadka lagu magacaabo Adrew Brunson ay usoo gacan geliyaan wadaadka ay sida aadka u doon dooneyso Dowlada Turkiga, Fethullah Gulen oo masaafuris iskiis ah u jooga dalkaan Mareykanka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Yeman

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan is xogwareysi ah la qaatay Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha Waaxyaha

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Mudane...

Madaxweynaha JFS “Dastuurka dhaqangalkiisa waa bilowday, dhowaana waa la kala sarayaa Baarlamaanka iyo XFS.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...