Xiisadda Turkiga iyo Mareykanka oo Wali Cakiran

Date:

Muqdisho(SONNA) Mareykanka ayaa weydiistay Dowlada Turkiga inay soo bandhigo haddii ay heyso caddeymo muujinaya eedaha ay usoo jeediyeen shaqaalo ka tirsan qunsuliyada Mareykanka ee Turkey iyo dhowr muwaadin oo Mareykan ah oo lagu xiray dalka Turkiga.

Muwaadiniinta Mareykanka ee lagu xiray Turkiga ayaa waxaa ku jira wadaad ka tirsan Kaniisadda oo lagu magacaabo Andrew Brunson.

Afhayeen u hadashay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo lagu magacaabo Heather Nauert, ayaa ugu baaqday Dowladda Turkiga in ay Mareykanka usoo gudbiso cadeymaha muujinaya in dadkani yihiin argagixiso.

Waxay ka dalabtay xukuumadda Ankara in ay ka dhabeyso balanqaadkeedii ahaa in dadka la xiray ay u golaan doonto in ay arkaan qareenada matalaya.

Arbacadi, xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Rex Tillerson ayaa khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa Turkiga, Mevlut Cavusoglu. Wuxuu u gudbiyay walaaca qotada dheer ee ay ka qabaan xiritaanka muwaadiniinta Mareykanka iyo shaqaalaha qunsuliyada.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa u sheegay Mareykanka in haddii ay rabaan sii deynta wadaadka lagu magacaabo Adrew Brunson ay usoo gacan geliyaan wadaadka ay sida aadka u doon dooneyso Dowlada Turkiga, Fethullah Gulen oo masaafuris iskiis ah u jooga dalkaan Mareykanka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane...

Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa walaac qotada dheer oo...