Turkiga oo lagu qabtay 226-Tahriibayaal sharci-daro ah

Date:

Muqdisho(SONNA) Ciidamada Amaanka Turkiga ayaa khamiistii shalay gacanta ku dhigay 226-Qof oo doonayay in si sharci-daro ah uga tahriibaan dalkaasi ka dib howlgal ay ciidamada ka sameeyeen gobollo dhowr ah,sida ay saraakiisha Ciidanka sheegeen.

Gobolka Waqooyi galbeed ee Edirne ayay ciidamada amaanka ku qabteen 109-tahriibayaal sharci-daro ah oo xilligaasi ku sii jeeday dalalka Gariiga iyo Bulgaria,sidaasi waxaa wakaalada wararka Turkiga Anadolu  u sheegay Sarkaal sare oo diiday in la magacaabo sababo amaan dartood.

Tuhmanayaasha la qabtay ayaa ka soo kala jeeda dalalka Syrian, Afghan, iyo Iran sida ay ku waramayaan ilaha xogtaan laga helayo.

Sidoo kale,howlgal ay ciidamada amaanka Turkiga ay ka sameeyeen degmada Edirne’s Ipsala ayaa waxay  ku soo xireen 14-Qof tahriibayaal sharci-daro ah,kuwaasi oo iyagoo baxsad ah la soo qabtay.

Ciidamada Amaanka ayaa ogaaday in muhaajiriinta ay gacanta ku dhigeen yihiin dad asal ahaan ka soo jeedo dalka Bakistaan,kiuwaasoo doonayay iney gaaraan dalka Gariiga ka dibna dalalka kale ee Yurub kaga sii gudbaan.

Magaalada Soke ee Gobolka Aydin ayaa Sidoo kale lagu soo waramayaa in Ciidamada Booliska ay ku qabteen 40-Muhaajiriin oo lagu soo raray gaari xamuul ah,sida ay Saraakiisha Ciidamada ay xaqiijiyeen.

Wadaha gaariga ayaa cagahiisa kaga baxsaday Booliska ka dib markii uu arkay inuu ku socdo wado booliska bar-kontarool ku leeyihiin.

Midowga Yurub ayaa dadaal ugu jira sidii uu ula tacaali lahaa tahriibayaasha faraha badan ee ku sii qul qulaya dalalka Yurub.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Kulan ku saabsan u-diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka Ebola oo ka furmay Muqdisho

Waxaa goor dhow ka furmay Xarunta Qaran ee Howl-gallada...

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Bay

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jaray xarunta Cusub ee Degmada Shangaani

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....