Guddoomiyaha Golaha shacabka iyo ku xiggeenkiisa labaad oo Danjireyaal Muqdisho kula kulmay

Date:

Muqdisho (SONNA)  Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo uu wehliyay  Guddoomiye ku xiggeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa la kulmay sii hayaha Safiirka Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin ka socday Xafiiska Siyaasada Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya oo ay ka wada hadleen xiriirka wada shaqeyn ee ka dhaxeysa  safaaradda iyo Golaha Shacabka iyo sidii loo xoojin laaha.

Sidoo kale Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo ku xigeenkiisa labaad Mudane Mahad C/lla Cawad ayaa kulan la qaatay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo ay ka wada hadleen sidii Midowga Yurub uu u sii dar dargelin lahaa mashaariicda uu Golaha shacabka ku taageerayo, waxaana waxyaabaha ay aadka uga wada hadleen ka mid ahaa dib u eegista dastuurka dalka.

ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa gelinkii dambe ee maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ethiopia ee Soomaaliya iyo diplomaasiyiinta safaaradda ka socda oo ay ka wada hadleen xiriirka labada Dowladdood gaar ahaan dhinaca Baarlamaanada sida uu warbaahinta Qaranka  u sheegay Guddoomiye ku xiggeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad C/lla Cawad.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...