Guddoomiyaha Golaha shacabka iyo ku xiggeenkiisa labaad oo Danjireyaal Muqdisho kula kulmay

Date:

Muqdisho (SONNA)  Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo uu wehliyay  Guddoomiye ku xiggeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa la kulmay sii hayaha Safiirka Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin ka socday Xafiiska Siyaasada Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya oo ay ka wada hadleen xiriirka wada shaqeyn ee ka dhaxeysa  safaaradda iyo Golaha Shacabka iyo sidii loo xoojin laaha.

Sidoo kale Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo ku xigeenkiisa labaad Mudane Mahad C/lla Cawad ayaa kulan la qaatay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo ay ka wada hadleen sidii Midowga Yurub uu u sii dar dargelin lahaa mashaariicda uu Golaha shacabka ku taageerayo, waxaana waxyaabaha ay aadka uga wada hadleen ka mid ahaa dib u eegista dastuurka dalka.

ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa gelinkii dambe ee maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ethiopia ee Soomaaliya iyo diplomaasiyiinta safaaradda ka socda oo ay ka wada hadleen xiriirka labada Dowladdood gaar ahaan dhinaca Baarlamaanada sida uu warbaahinta Qaranka  u sheegay Guddoomiye ku xiggeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad C/lla Cawad.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 askari...

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay isu soo bax dadweyne oo doorashada lagu taageerayo

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre...