Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka oo gaaray deegaanka Bariire

Date:

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal  Axmed Jimcaale ayaa goordhow gaaray deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha hoose halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan deegaankaasi.

Ujeedka socdaalka Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee uu maanta ku tegay  deegaanka Bariire ayaa waxay tahay sidii uu ugu kuur gali lahaa xaalada ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga dalka ee deegaanka iyo siday u socdaan howlgalka lagu baacsanayo Al-Shabaab ee halkaasi ka socda.

Sidoo kale, S/Gaas Axmed Jimcaale Geeddi oo la hadlayay cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Bariire ayaa sheegay in halkaan la iska fadhin doonin, islamarkaana la qaadayo howlgal saf balaaran oo dalka looga saarayo maleeshiyaadka naf lacaariga Al-Shabaab ee hadda ku sugan qeybo yar oo ka mid ah Soomaaliya.

Maleeshyaadka Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weerar ku qaaday deegaanka Bariire gaar ahaan fariisin ay Ciidamada ku leeyihiin deegaanka,waxayna iska caabin xooggan kala kulmeen Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Pakistan oo kala saxiixday Heshiis Ka-Dhaafid Fiiso oo ku Saabsan Baasaboorrada Diblomaasiyadeed

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku khaarijiyay Horjooge Khawaarij ah

Ciidamada Xoogga Dalka oo sii wada howlgallada lagu baacsanayo...

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaanbax looga soo horjeedo faragelinta Israa’iil ku sameysay dalkeena...

Taliyaha ciidanka dhulka oo gaaray deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto...