Madaxweyne Farmaajo oo kulan la yeeshey xubno ka socoday Qurba Joogta+Sawirro

Date:

Muqdisho(SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta kulan qado sharaf ah la yeeshey xubno ka socoda Qurba Joogta Soomaaliyeed oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Ujeeddada kulanka ayaa waxay aheyd sidii Qurba Joogta Soomaaliyeed ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya,iyagoo Madaxweynaha Soomaaliya uga xog warramay xaaladaha kala duwan oo ay ku sugan yihiin Soomaalida Qurbaha kunool.

Dhageysiga argtida Qurba joogta kadib ayuu dhankiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo uga warramay xaaladda guud ee dalka iyo horumarada ay ku talaabsatay Dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulanka ka sheegay in ay jiraan fursado u banaan dadka Qurbaha kunool ee Soomaaliyeed taasi oo ah in ay dowrkooda wadaniyadeed ay ka qaataan sidii maalgashi ugu sameysan lahaayeen Dalkooda.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmajo ayaa sheegay in Soomaaliya ay horey u socoto, dowladduna dadaal ugu jirto sidii Dalka horumar loo gaarsiin lahaa,Qurba joogtana looga baahanyahay in doorkooda ay muujiyaan, isla markaana waaya aragnimadoda iyo aqoontooda ay dalka ku soo celiyaan.

Sanadihii ugu dambeeyey waxuu dalka ย ka soo kabsanayay burburkii dhoor iyo labatankii sane ee la soo dhaafay ka jiray, waxaa hada muuqanaysay in qurba joogta Soomaaliyeed ay kaalintoodi ka qaadanayeen sidii dalka loo maalgelin lahaa,iyagoo ku lug leh mashaariic horumarineed oo ka socota guud ahaan dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...