R/wasaaraha Bangaladesh oo sheegtay in ay naftooda u hurayaan Muslimiinta Rohingya

Date:

Daka-(SONNA)- R/wasaaraha dalka Bangaladesh Sheekh Xasina ayaa sheegtay in shacabka dalkeeda  ay diyaar u yihiin inay yareeyaan waxa ay maalintii cunayaan si ay u saacidaan boqolaalka kun ee muslimiinta Rohingya, kuwaasi oo ka soo barakacay degaanadooda dalka Maymar.

Hadalka R/wasaaraha ayaa yimid ka gadaal markii Todobaadyadii tagay dalkeeda u soo barakaceen in ka badan Nus milyan qof oo muslimiinta Rohigya ah,kuwaasoo ka soo cararay gumaadka ciidamada amniga ee Maymar.

Sheekh Xasina oo ka soo laabtay Shirkii Qaraamada midoobay ee magaalada New yourk ka dhacay ayaa ku tlmaantay Isir Sifeyn waxa ka dhacaya dalka Maymar oo lagula kacayo muslimiinta  laga tirada badan yahay  Rohigya,waxayna eedayn u jeedisay  Xukuumadda dalkaasi shaqaaqada ka dhacaysa xuduudda  uu dalkeeda la wadaago Maymar.

Tan iyo markii dalka Maymar ay ka bilawdeen gumaadka  Muslimiinta laga tirade badan yahay ee Rohingya waxaa dalka Bangaladesh  u soo barakacay in ka badan 500 kun muslimiinta Rohingya,waxayna Dowladda Bangaladesh  dadkasi xerooyin uga dhistay Jaziirad dalkeeda ka tirsan iyadoo hay’adaha gargaarka gurmad deg deg ah u fidiyeen muslimiintaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...