Ra’iisul Wasaare Khayre oo kulan la qaatay guddiga dib u eegista Dastuurka+(SAWIRRO)

Date:

Muqdisho(SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xarunta Aqalka Sare kula kulmay guddiga la socodka arrimaha dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka. Waxana ay ka wada hadleen dar-dar gelinta howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Kulanka ayaa waxaa lagu falan qeeyey heerka wada shaqayn ee ka dhaxeeya laamaha ku howlan dastuurka iyo habka looga gudbi karo caqabadaha hortaagan dhammaystirka dastuurka Soomaliya.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo dhammaystirka dastuurka, si loogu gudbo wax walba oo dib-u-dhac u keeni kara in waqtigii loogu talagalay ay ku dhamaan wayso dib-u-eegista Dastuurka.

Guddoomiyaha Guddiga la socodka arrimaha dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Mudane Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ay isku fahmeen wixii khilaaf ah in la dhameeyo si howlaha Dastuurkana la der-gergeliyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...