Maleeshiyaad ka Al-shabaab oo qof Shacab ah ku gowracay Waajid

Date:

Maleeshiyaad ka tirsan yihiin Al-shabaab ayaa xalay, qof rayid ah waxaa ay ku gowraceen deegaanka Celeemow oo qiyaastii 22-KM u jira degmada Waajid ee gobolka Bakool, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ninka Al-shabaab ay dileen ayaa la oran jirey allah u naxariistee, Xasan Cali Maad Caalin, oo kamid ahaa dadka deegaankaas, waxaana uu kamid ahaa afar nin oo waday gaari dameero raashiin saaran yahay oo ku sii jeeday degmada Waajid.

Sadexdii kale ee la socotay ayaa la sheegay in ay ka baxsadeen ayagoo cagahooda maalaya, guddoomiye ku xigeenka maamulka degmada Waajid, Caddow C/raxmaan Jugle, ayaa sheegay in ninka la gowracay iyo kuwa kale ee la socday lagu beegsaday oo kali ah in ay raashiinka ay u wadeen Waajid maadaama Al-shabaab ay go’doomiyeen.

Guddoomiye ku xigeenka, ayaa intaa ku daray in sadexdii nin ee Al-shabaab ka soo baxsatay ay gaareen degmada Waajid.

Dhowr jeer oo hore, ayay sidan oo kale Al-shabab dad shacab ah ku dileen deegaanka iyadoo raashiin Waajid ku sii jeeda ku gubeen.

Caddow C/raxmaan Jugle, guddoomiye ku xigeenka maamulka degmada Waajid ayaa sidoo kale sheegay in raashiinkii raggan ay wateen ay deb qabadsiiyeen Al-shabaab isla markaana dileen dameeradii raashiinka saarnaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Ku-xigeenka Aqalka Sare oo guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare ee BJFS,Mudane Cali Shacbaan...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo guddoomiyay shirka billaha ah ee Agaasimayaasha Waaxyaha

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka...

Wasaaradda Qoyska oo daahfurtay tababar ku saabsan doorka haweenka ee geeddi-socodka nabad-dhiska Soomaaliya

Wasaaradda Qoyska, Horumarinta iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo kaashanaysa...

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska oo shahahaadada Master Degree ka qaatay dalka Ruushka

Afar sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa...