Ra’iisul Wasaare Khayre oo kulan la qaatay guddiga dib u eegista Dastuurka

Date:

Mudane Xasan Cali KHayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho kula kulmay guddigga la socodka iyo dib u eegsita Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo kan madaxa bannaan.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Golaha Aqalka sare ayaa ugu horeyn Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya wuxuu kulan gaar ah la yeeshey guddoonka aqalka sare,iyagoo ka wada hadlay arrimo la xiriira sidii looga wada shaqeyn lahaa dardargelinta howlaha dib u eegista Dastuurka.

Intaasi kadib ayaa Ra’iisul Wasaare Khayere waxaa uu la kulmay guddigga la socodka iyo dib u eegsita Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo kan madaxa bannaan,mudadii uu socday kulankooda ayaa waxaa ay diiradda ku saareen sidii Wasaaradda Dastuurka iyo guddiyadda arrimahaasi qaabilsan ay uga wada shaqeyn lahaayeen dardargelinta howlaha dib u eegista Dastuurka.

Guddomiyaha guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa faah faahiyaya waxyaabihii ka soo baxay kulankaasi.

“Waxaan maanta la kulanay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya,waxaan ka wada hadalnay sidii looga wada shaqeyn lahaa arrimaaha dib u eegista Dastuurka,waa la isku afgartay arrintaasi”, Ayuu yiri Guddomiye Cabdi Qeybdiid.

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa sheegtay in dib loo dhigay shirweynihii Qaran ee arrimaha Dastuurka oo la filayay in uu maanta ka fumro magaalada Muqdisho sababo farsamo aawadeeda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dhisme cusub oo ay yeelanayso Safaaradda Soomaaliya ee dalka Tanzania oo dhowaan xarigga laga jari doono

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Tanzania ayaa dhowaan...

Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang

Duufaanta Tropical Storm Basyang ayaa sababtay in la joojiyo...

Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo ka qayb galay xaflad lagu xusaayey Maalinta Qaranka Kuwait

Koonfur Afrika Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda...