Maamulka Degmada Howlwadaag oo la wareegay deeq daawo ah

Date:

Maamulka Degmada Howlwadaag  ayaa maanta la  wareegey deeq daawo ah oo loogu tala galey xarunta Hooyada iyo dhallaanka ee Degmada.

Deeqadan oo aheyd daawo loogu talagalay inay ku shaqeyso xarunta Hooyada iyo dhallaanka Degmada Howlwadaag  ayaa Guddoomiyaha Degmada Cabdikariin Cali Kaar uu kala wareegay Hay’ad lagu magacaabo Freight for humanity oo ka shaqeysa arrimaha samafalka kadib munsaabad kooban oo lagu qabtay xarunta Degmada Howlwadaag, taasi oo ay  goobjoog ka haayeen qaar ka mid ah dadka Degmada.

Dr Cabdullaahi Xaashi Abiib oo ah Agaasimaha guud ee Hay’adda deeqdan daawada ah soo gaarsiisay Degmada Howlwadaag ayaa sheegay in dawooyinkan loogu talagalay Hooyada iyo dhallaanka Degmada, isla markaana loogu adeegi doono bulshada.

Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ayaa balan qaaday in deeqda daawada ah lasoo gaarsiiyay ay si siman uga faa’iideysan doonaan shacabka Degmada oo uu sheegay inay qabaan baahiyo badan oo dhanka caafimaadka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay xuska 15 guurada dib u curashada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Muqdisho Kulan kula Qaatay Duqa Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Beijing Kaga Hadlay Horumarinta iyo Casriyeynta Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...