Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Dalka Filand

Date:

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Farax Juxa ayaa magaalada Helsinki ee Dalka Findland kula kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi Mrs. Paula Risikko.

Labada Wasiir waxay kulankooda kaga wada hadaleen xiriirka labada dal, doorka qurba-joogta Soomaaliyeed ay ka qaadan karaan dib u dhiska dalka iyo geeddi-socodka barnaamijka dib-u-heshiisiinta, kaasi oo ay Dowladda Findland taageero weyn ka geysaneyso.

Beryihii la soo dhaafay ayay Wasiirada Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, Waxbarashada, Haweenka iyo la taliyayaal sare safar shaqo ku joogeen magaalada Helsinki ee Caasimadda Wadanka Filand, halkaasi oo ay kaga qeybgaleen shir looga hadlayay Arrimaha Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...