Xisaabiyaha Guud ee Qaranka oo xilka la wareegtay

Date:

Xisaabiyaha guud ee Qaranka Marwo Faaduma Cusmaan ayaa maanta si rasmi ah xilkeeda ugala wareegtay xisaabiyihii hore ee dowladda Axmed Yuusuf Muumin (Siraaji) , iyadoo ay ka qeyb-galeen mas’uuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Saraakiisha Wasaaradda Maaliyadda, La taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Siyaasadda Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).

Xil-wareejinta ayaa ka dhacdey Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Qaranka.

Xisaabiyihii hore ee dowladda ayaa ug u hambalyeeyey Faaduma Cusmaan mas’uuliyadda adage ee loo igmaday, waxa uuna Alle uga baryey in uu la garab-galo, dhanka kale waxa uu sharraxaad ka bixiyey wixii u qabsoomey shantii sanno ee u dambeysay ee uu ahaa Xisaabiyaha guud ee Qaranka, guulo badanna laga sameeyey Xafiiska iyo howlaha dhinaca Xisaabaadka.

Golaha Wasiiarad ayaa dhawaan Faadumo u magacaabay inay qabato xilka Xisaabiyaha Guud ee Qaranka.

Xisaabiyaha guud ee Qaranka Marwo Faaduma Cismaan Faarax, waxay sanadkii 1981 ka baxday Machadkii Technico de Bancairo oo xisaabaadka iyo arrimaha Bankiyada ay ka baratay, sanadihii 1982-1986 waxay ka qalin jebisay maamulka iyo Maareynta ee SIDAM, sidoo kale waxay sanadihii 1987-1989 ka qalin jebisay Jaamacadda Universita de Sapienza ee dalka Talyaaniga oo shahaadda labaad ee xisbaadka ay ka qaadatay. Tabaarro dhinaca xisaabaadka iyo dhaqaalaha ah ayey ku qaadatay dalka Canada intii ka danbeysay sanadkii 2000.

Sanadihii 2010-2012 waxay madaxda maalgelinta ka noqotay Bankiga ganacsiga Talyaaniga, faraciisa Woodbridge, Ontario, Canada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...