Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegtay in ay soo daabacayso Lacag cusub oo shilin Soomaali ah

Date:

Muqdisho(SONNA):–Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Bayle oo marti ku ahaa Barnaamijka Kulanka todabaadka oo si toos ah ugu baxo SNTV iyo Radio Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhawaan soo daabacayso Lacag cusub oo shilin Soomaali ah taasoo sida uu sheegay Wasiirku lagu howlan yahay shaqadeeda.

Wasiir C/raxmaan ayaa tilmaamay in Samaynta Lacagtaan cusub ee shilin Soomaaliya ah ay ka gacan siinayso Dowlaadda Soomaaliya Hay’adda Lacagta Aduunka ee Magacaceeda loo soo gaabiyo IMF iyo Bankiga Aduunka.

C/raxmaan Ducaale Bayle Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in lacagtaani ay wax weyn ka badali doonto kobaca dhaqaalaha Qaranka Soomaaliya ayna muhiim tahay soo daabicida Lacagtaasi.

Wuxuu sheegay Wasiir Beyle iney sameynta lacagta cusub ay kala kaashan doonaan dad quburo ah oo isugu jira Ajaaniib iyo Soomaaliya,kuwaasoo Muqdisho soo gaaraya.

Hadalkaan Wasiir Bayle ayaa kusoo beegmaya xili Lacagihii qaranka Soomaaliya uu ka haray Kunka shilin Soomaaliga, waxayna bulshadu baahin weyn u qabaan dib u soo noolaynta Lacagihii uu la haan jiray Qaranka Soomaaliyeed.

Dhanka kale,Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo wax laga weydiiyay Arimaha canshuuraha ayaa sheegay iney wadaan qorshe lagu mideynayo canshuuraha laga qaado Gobolada dalka Soomaaliya.

Sidoo kale,Wasiir Beyle ayaa carabka ku dhuftay in labada todobaad ee soo socda gudahooda ay ku bixinayaan mushaaraadka iyo xuquuqda kale ay leeyihiin Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya,isagoo dhanka kale shaaciyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qorsheyneyso waqtiyada ugu dhow iney ka maaranto kaalmada dibada kaga imaaneyso ee lagu xirayo musharaadka shaqaalaha Dowladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Shiinaha oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Difaaca

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Daah-furay Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Cali...

Shirka Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya oo goordhow furmay

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Madasha 3-aad ee...

Kulan looga hadlayay ilaalinta carruurta ee ka hortagga colaadaha hubeysan oo lagu qabtay Muqdisho

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Yuusuf Cali...