Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegtay in ay soo daabacayso Lacag cusub oo shilin Soomaali ah

Date:

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhawaan soo daabacayso Lacag cusub oo shilin Soomaali ah taasoo sida uu sheegay Wasiirku lagu howlan yahay shaqadooda.

Wasiir C/raxmaan ayaa tilmaamay in Samaynta Lacagtaan cusub ee shilin Soomaaliya ah ay ka gacan siinayso Dowlaadda Soomaaliya Hay’adda Lacagta Aduunka ee Magacaceeda loo soo gaabiyo IMF.

C/raxmaan Ducaale Bayle Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in lacagtaani ay wax weyn ka badali doonto kobaca dhaqaalaha Qaranka Soomaaliya ayna muhiim tahay soo daabicida Lacagtaasi.

Hadalkaan Wasiir Bayle ayaa kusoo beegmaya xili Lacagihii qaranka Soomaaliya uu ka haray Kunka shilin Soomaaliga kaasoo uu ka muuqdo bur-bur xooggan” waxayna bulshadu baahin wayn u qabaan dibu usoo noolaynta Lacagihii uu la haan jiray Qaranka Soomaaliyeed.

#KULANKA_TODOBAADKA_WASIIRKA_MAALIYADDA_SOOMAALIYA

Δημοσιεύτηκε από Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed στις Πέμπτη, 5 Οκτωβρίου 2017

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...