Wasiirrada Beeraha Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi

Date:

Wasaaradaha Beeraha Somaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiis ku saabnsan wax soo soorka Soomaaliya gaar ahaan sidii loo kobcin lahaa qudaaarta laga soo saaro dalkeena.

Labada dowladood waxaa heshiiska u kala saxiixay Saciid Xuseen Ciid Wasiirka Wasaarada Beeraha Soomaaliya, halka dowlada Turkiga uu uย  saxiixay Dr. Ahmed EลŸrefย  oo ah Wasiirka Beerahaย  Turkiga.

Heshiiskan ayaa irdahaย  u farayaย  iskaashi buuxa oo labada dal ay ka yeeshan dhinaca beeraha, iyadoo uu xoojanayo taageero dhic walbo ah oo dowladda Turkigu ku baxiso Beeraha Soomaaliya sida dhanka ticnoolojiyada ee beerahaย  dib u dhiska kaabayaasha Abuurka.

Qodobadaย  muhiimka ah ee kuย  jira heshiiska ayaa waxaa ka mid ah sidii ganacsiga wax soo saark beeraha ay iska kaashadaan labada dal.

Dhinca kale wafdiga uu hohaaminayo Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa booqday Xarunta Cilmi baariska, Sheybaarka iyo tababarrada beeraha ee Wasaarada beeraha Turkiga.

Wafdiga Wasiirka Beeraha oo maalmahan ku sugan wadanka Turkiga ayaa waxaa qeyb ka ah masโ€™uulayiin ka tirsan Wasaarada Beeraha iyo Safaiirka Dalka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, iyadoo heshiiska uu muhiimad gaar ah u leeyahay Dalkeena.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale