Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka oo kulammo doceedyo la yeelatay Madax kala duwan

Date:

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa kulammo doceedyo la yeelatay Madax iyo Mas’uuliyiin sare oo ka kala socday hay’adaha iyo dowladaha xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), intii uu ka socday magaalada Islamabad Shirka Haweenka Islaamka.

Kulammada ayaa Wasiiraddu la qaadatay Agaasimaha Fulinta Guddiga Madaxbannaan ee Joogtada ah ee Xuquuqda Aadanaha ee OIC (IPHRC), Wasiirka Shaqada iyo Amniga Bulshada ee Jamhuuriyadda Turkiga Waqooyiga Qubrus (TRNC), Agaasimaha Guud ee Xarunta Cilmi-baarista iyo Tababarka Dhaqaalaha, Bulshada iyo Tirakoobka ee Dalalka Islaamka (SESRIC), Wasiirka Arrimaha Haweenka, Carruurta iyo Daryeelka Bulshada ee Bangladesh, Guddoomiyaha Golaha Qaranka Haweenka ee Masar, iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Arrimaha Qoyska ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Intii ay socdeen kulammadan, waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dalalka xubnaha ka ah OIC, gaar ahaan dhinacyada hormarinta qoyska, ilaalinta xuquuqul insaanka, awood-siinta haweenka, daryeelka carruurta, horumarinta bulshada iyo isdhaafsiga khibradaha iyo aqoonta.

Kulammadu waxay ku soo dhammaadeen is-afgarad ku saabsan sii ballaarinta iskaashiga iyo kor u qaadidda wada-shaqeyn miro dhal ah oo wax ka tari doonta horumarinta adeegyada bulshada iyo hirgelinta barnaamijyada mudnaanta u leh Soomaaliya. Wasiirka waxaa kulammadan ku weheliyey Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Pakistan, Danjire Shiikh Nuur Maxamed Xasan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...