Guddoomiyaha Ku-xigeenka Ururka Kubadda Cagta CECAFA oo gaaray dalka Mareykanka

Date:

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Ururka Kubadda Cagta Bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA, Mudane Cali Cabdi Maxamed, ayaa gaaray dalka Mareykanka, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay FIFA.

Guddoomiyaha ayaa inta uu joogo Mareykanka waxa uu ka qayb geli doona kulamada afar dhamaadka iyo kama dambeysta Koobka Adduunka ee FIFA World Cup 2026, wuxuuna sidoo kale halkaas kulamo iyo howlo la xiriira horumarinta kubadda cagta kula yeelan doonaa madax iyo masuuliyiin ka tirsan FIFA iyo bahda kubadda cagta caalamka.

Markii uu gaaray dalka Mareykanka, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Golaha CECAFA, waxaa si diirran u soo dhaweeyay Guddomiyaha Soomali Football Federation u qaabilsan North America Dr Maxamed Cabdi, iyo qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas, kuwaas oo guddoomiye Cali Shiine ku maamuusay casho sharaf ,iyagoo ka xog wareystay xaaladda kubadda cagta dalka iyo guulaha horumarineed ee la gaaray.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...