Faadumo Cusmaan Faarax oo loo magacaabay Xisaabiyaha Guud ee Qaranka

Date:

Muqdisho(SONNA) Kulankii Khamiis laha ahaa ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay maanta yeesheen ayaa waxaa ay ku magacaabeen Xisaabiyaha Guud ee Qaranka oo loo magacaabay Marwo Faadumo Cusmaan Faarax.

Sidoo kale Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa kulanka intii uu socday xilkii ka qaadeen Xisaabiyihii hore Axmed Yuusuf Muumin (Siraaji) ,waxaana soo jedisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,sida uu qabo sharciga.

Waxaa shir guddoominayay kulanka Golaha Wasiirada,Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre,iyagoo kaga hadlay dardargelinta howlaha horyaala Xukuumadda Soomaaliya.

Qoraal iyo sawirro dheeraad ah kala soco SONNA.SO

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...