(AKHRISO) Dowladdaha Soomaaliya iyo Suudaan oo gaaray Heshiis is afgarad

Date:

Khartoum (SONNA)  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Booqasho rasmi ku jooga Dalka Suudaan ayaa kulan uu Magaaladda Khartoum ee Xarunta dalkaasi ay kula yeeshay Madaxweynaha Wadanka Sudan Cumar Xasan Al-bashiir ay kaga hadleen arrimo dhowr oo labada dal ku saabsan, iyagoo isla gartay Qodob dhowr.

Madaxweynaha JF Soomaaliya ayaa dhiggiisa Dalka Sudan uga mahad celiyey taageerida suudaan ay la garab istaagtay Soomaaliya inta ay burbursaneed ilaa haatan, gaar ahaan dhanka Waxbarashadda.

Heshiisyada ay isla garteen Labada Dal ayaa waxaa kamid ah :-

  • waxay isla garteen labada Madaxweyne muhiimadda ay leedahay in la helo Iskaashi dhaqaale oo dhex mara dowladdaha geeska Africa, Mustaqbalka dhowna lagu dhawaaqo midow Ganacsi oo ay ku midaysanyihiin dowladdaha geeska africa.

 

  • Waxay isla garteen labada dhinac in la iska kaashado dhinacyadda Beeraha, Waxbarashada, Ganacsiga xoolaha, Baasaboorka, Safaradda iyo Duulimaadka shacabka.

 

  • In la sameeyo Guddi Siyaasadeed ee Wasaaraddaha arrimaha dibadda labada dhinac si loo dardar galiyo xariirka dhabaha cusub loo xaaray ee Somalia iyo Sudan ka dhaxeeya.

 

Hishiisyadan ay wada gaareen Madaxda Wadamada Soomaaliya iyo Suudaan ayaa u daneeynayo labada shacab ee Walaalaha ah, waxaana ay xoojinayaan Saaxiibtinimada qotada dheer ee dhaxeysa Somalia iyo Sudan.

Qodobadaasi heshiiska ku saabsan  oo faahfaahsan goor dhow kala soco Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...