Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo soo xirtay shir wadatashi ah+Sawirro

Date:

Muqdisho(SONNA) Shirkani wadatashiga ah  oo muddo labo maalmood ah socoday ayaa lagu soo geba gebeeyey   magaalada Muqdisho,wuxuuna  ku saabsanaa hindise sharciyeedka shirkadaha.

Waxaa ka qeybgalay Wasiirada Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada, Garyaqaanka Guud ee Qaranka, Xubno ka socday Bangiga Adduunka quburo, agaasimaha guud ee Wasaradda Ganacsiga iyo Warshadaha iyo Xoghayaha Joogtada ah.

Wasiirka ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadro Axmed Ducaale, oo soo xirtay shirkan wadatashiga ah oo uu taageerayo Banggiga Adduunka ayaa sheegtay in ujjeedka uu yahay sidii looga tashi gelin lahaa dhammaan dadka uu quseeyo ka hor inta aan la horgeynin hay’adaha Dastuuriga ah.

“Runtii waan idinkaga mahadcelinayaa sida wanaagsan oo aad inoola shaqeyseen,anaga marabno in aan si qasab ah sharciga aan ku gudbino iyadoo aan talo laga dhiiban,marka wan kala hadlay shaqaalaha wasaaradda in talooyinka muhiimka ay lagu daro afkaarna aad ka dhiibataan,insha allaah wixii ka dhiman waanu dhameystiraynaa, si loo ansixiyo”, ayay tiri Wasiirka Ganacsiga.

Xubnihii ka socoday Dowlad goboleedyada ayaa soo dhaweeyay mabda’iyan barnaamijkan,iyagoo soo jeediyay in dib u eegis lagu sameeyo si loogu daro wixii ka dhiman kadibna loo ansixiyo.

Marwo Khadra Axmed Ducaale ayaa sheegtay in Wasaaraddu ay waddo qorshe ku aadan sidii loo sameyn lahaa dhamaan sharciyada kale ee horyaala Wasaaradda,kuwaasi oo muhiim u ah Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hawlgal ka dhan ah Khawaarijta oo Shabeelaha hoose laga fuliyey

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay...

Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka oo kulammo doceedyo la yeelatay Madax kala duwan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Qorsheynta oo ka hadlay shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha (ECOSOC)

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka...

Safiirka Soomaaliya oo tacsi u tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

New Delhi-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Dr....