Qunsulka guud ee safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo deeq dhar ah gaarsiiyay Maxaabiis Soomaaliyeed

Date:

Toddoba dhalinyaro Soomaali ah oo dhameystay xukunno 8 sano ah oo xabsi ah  ayaa deeq dhar ah oo dhiirri gelin ah, waxaa gaarsiiyay sii hayaha safaaradda Soomaaliya ee wadanka Kenya, ahna Qunsulka guud ee safaaradda mudane Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi).
Dhalinyarada ayaa marka hore warbixin ka siiyay Cali Bagadi muddada ay Xabsiga Kamtiti ee duleedka magaalada Nairobi ku jireen iyo waxyaabaha ay kala kulmeen, iyagoo ka mahadceliyay booqashada uu ugu tagay sii hayaha safaaradda Soomaaliya ee wadanka Kenya ahna Qunsulka guud ee safaaradda.
Qaar ka mid ah Dhalinyaradan oo lagu eedeeyay falal burcadbadeednimo ah ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsanyihiin iney xoriyadooda dib u helaan iyagoo aad uga mahadceliyay booqashada Cali Bagadi iyo deeqda uu gaarsiyayba.
Mudane Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi) sii hayaha safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, ahna qunsulka guud ee safaaradda  ayaa sheegay in tani aysan aheyn markii u horreysay oo uu maxaabiis Soomaaliyeed ku booqday xabsigan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026

1- President Hassan Sheikh Mohamud led the Eid al-Fitr...

Hay’adda SODMA iyo Maamulka K/ Galbeed oo Bakool ka sameeyay howlo biyo dhaamin ah

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

CIID MUBAARAK 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Ciidul...